Ardayga keliya ee galay kaalinta koobaad Imtixaanka shahaadiga ee la qaaday

Khaalid Cabdullahi Maxamuud oo ka baxay Iskuulka Iftin degmada Warta-nabadda gobolka Banaadir ayaa noqday ardayga galay kaalinta koowaad ee imtixaanka shahaadiga ah dugsiyada sare ee dalka.

Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka oo ay ka maqan yihiin maamullada Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa gashay  32,325 arday oo u dhiganta 97%,Waxaa ku dhacday  Imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

Ardayda gudubtay oo aytiradoodu ahayd 32,325  ayaa waxaa kaalinta koobaad galay oo keliya Khaalid Cabdullahi Maxamuud oo wax ka barta dugsiga sare ee Iftin, isagoo hoggaanka u haya 10-ka Arday ee gashay kaalimaha hore, kaas oo heli doona qiimeyd gaar ah.