Ciidamada Galmudug oo howlgallo ku dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa dilay laba xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-shabaab,kadib markii ay weerarro qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen Argagixisada  degaanka Burujeed oo ku dhow degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur, Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in howlgalkaas cagta lagu mariyay goobo badan oo ay argagixisadu dadka ku dhici jireen, firxadkooduna lagu raad joogo.

Sidoo kale, howlgallo ay iska kaashanayaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadka shacabka ah oo hubkooda qaatay ayaa waxay ka soconayaan degaanno badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howlagalladan oo ay hoggaaminayaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab.