Wasaaradda waxbarashada oo faahfaahin ka bixisay shaacinta natiijada Imtixaanaadka

Wasaaradda waxbarashada XFS ayaa maanta ku dhawaaqeysa natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyadeedka 2021/2022  ee fasalka 12-aad.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada XFS ,Maxamed Caabbi Xasan oo wareeysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay shaacinta natiijada Imtixaanaadka iyo sida ay Ardayda baasta ugu fududeeyeen ku biirista Jaamacadaha Dalka.

Agaasiamaaha ayaa sheegay in Imtixaanka sanadkan ay u fariisteen Arday ka badan 35,000 oo wax ka barata inta badan gobollada dalka.

Agaasime Caabbi ayaa sheegay in aqbalaadda Jaamacaduhu ay ku xiran tahay natiijada dugsiga sare ee dowladdu oggolaato, sidaa daraaddeedna ay sida ugu dhaqsiyaha badan u siin doonaan Roll lambarka Ardayda guuleysata, si ay usii wataan waxbarashada heerarkeeda kale.

Maxamed Caabbi Agaasimaha guud ee Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay inay Jaamacaduhu kala hadleen in loo fududeeyo Ardayda iyagoo kala soconaya Online-ka maaddaama uu jiray gaab yar oo laba Isbuuc ah.