Madaxweyne Qoor Qoor oo ku baaqay in gurmad lala gaaro dadka ay Abaartu ku sameeysay degaanada Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ka qeyb galayay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Cadaado oo lagu xusayo 14 Agoosto oo ku beegan 16 guuradii ka soo wareegatay markii la Aasaasay Dowladda gobleedka Galmudug.ayaa sheegay in dad Reer Galmudug ay u baahan yihiin waxkasta oo keeni kara in uu horumaro Maamulkooda.

Madaxweyna ayaa  sheegay in dal walba ama degaan kasata markii la doonayo in la maalgashado laga fiiriyo xasiloonidiisa siyaasadeed, Isla markaana reer Galmudug u baahan yihiin xasilooni siyaasadeed & mid amni.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa intaa hadalkisa ku daray in dadka looga baahanyahay in ay noqdaan kuwa u hoggaansama sharciga si Galmudug ay u noqoto meel dadka ku kalsoon yihiin.islamarkaan sameeysa hormar fiican.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Galmudug ayaa dadka wax heysta ugu baaqay in ay u soo gurmadaan walaalahoda abaartu ku heysato degaanada Maamulka Galmudug,dowladana ay dhankeeda ka qeyb qaadan doonto sidii dadka gurmad loola gaari lahaa.