Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Guddoomiyey Kulan howleedkii u horrayay ee waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi limaan Cige, ayaa maanta guddoomiyey kullan is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedka Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii u horrayay tan iyo markii uu xilka la wareegay 11 bishan Agoosto ,2022.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Wasaaradda ee sannadkan iyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa qorshe howleedka Wasaaradda.

Wasiir Biixi limaan Cige, oo ku boggaadiyay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, ayaa tilmaamay arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yihiin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfadaha,horumarinta bulshada, la-dagaallanka saboolnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiriirka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada dalka, wasaaradaha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

“Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bulshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa sidii is beddello muuqda iyo horumarinta howlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulshada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna waxaan ku gaareynaa wada-jir iyo in la laba-laabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Biixi limaan Cige.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda , Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka Mudane , Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.