Ciidamada Danab oo fashiliyay qaraxyo ay aaseen argagixisada Al-Shabaab

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ciidamada Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 5-aad, guutada 16-aad ayaa waxay howlgalo miino baariis ah ka sameeyeen deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa sidii waddooyinka ay isticmaalaan shacabka looga nadiifin lahaa miinooyinka ay argagixisadu ku aaseen si ay ugu dhibaateeyaan shacabka socotada ah.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyay wadada u dhaxeeysa magaalada Kismaayo iyo degaanka Buulo-xaaji, halkaas oo todobaadkii hore nabad-diidka Al-Shabaab ay ku qarxiyeen 8-gaari oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kaaso oo ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Intii uu howlgalku socday, ayaa waxa ay ciidanku qarxiyeen 7-miino oo dhagar qabayaasha waddada dhinaceeda ku diyaariyeen si waxyeelo uga geystaan shacabka maraya waddadaas.