Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliya oo lagu qabtay Sucuudiga

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Shir looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaaliyo iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameysay ayaa lagu qabtay magaalada Riyaadh ee caasimadda dalka Sacuudiga.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Bisha cas ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galay lataliyaha koowaad, ahna sii-hayaha safaraadda Soomaaliya ee dalka Sacuudiga Mudane Abshir Warsame Diirshe, waxaana shirka si gaar ah looga lafaguray xaaladaha ba’an ee abaarahu ay sababeen iyo sidii ay hay’adaha Bisha cas iyo Laan-qeyrta cas gacan uga gaynsan lahaayeen gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Mudane Abshir Warsame Diirshe oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay garab istaagaan dadka abaaraha iyo colaaduhu wax-yeelleeyeen ee ku dhaqan gobollada dalka Soomaaliya, wuxuuna kalsooni ka muujiyay in caalamka u gurmad deg deg ah sameyn doono.

Dowladda Federaalka oo kaashanaysa hay’adaha gargaarka ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo u qareemidda gurmadka abaaraha.