Madaxweyne Xasan Sheikh oo baaq nabadeed u diray Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq ku saabsan xasilloonida, nabadda iyo wadajirka ay ku tilmaaman yihiin u diray hoggaanka siyaasadda iyo bulshada Soomaaliland.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in waxa kaliya ee looga baaqsan karo rabshadaha iyo xasaradaha taagan ay tahay in la wada fariisto oo la wada hadlo si xal looga gaaro isfaham-waaga jira.

“ Waxa kaliya oo aad uga baaqsan kartaa waxay tahay inaad wada fariisataan, wada hadashaan, horayna aad u socotaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa madaxda mucaaradka,hoggaanka maamulka,dhaqanka iyo Bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ugu baaqay in waxa socda wada hadal lagu dhammeeyo, wuxuuna ku adkeeyay shacabka Somaliland in ay  ilaashadaan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.