Ra’iisul wasaare Xamse Barre oo baaq nabadeed u diray masuuliyiinta maamulka Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa baaq nabadeed kasoo saaray rabshadahii ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland, isaggoo ka tacsiyadeeyey Khasaaraha kala duwan ee ka dhashay qalalaasaha.

“Waxaan ka xumahay rabshadaha iyo qalalaasaha ka socday labadi maalin ee u dambaysay qaar kamid ah Magaalooyinka Somaliland. Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta Somaliland in ay ogadaan wixii nabad lagu waayo colaad iyo qalalaaso laguma helo karo.
Waxaab leeyahay intii dhimmatay Alle ha u naxariisto inta dhaawaca ah Eebbe ha u booga dhayo.

Walaalayaal mar walba waxaad astaan u ahaydeen domiqueaadiyadda iyo inaad xilka si nabad ah ugu kala wareegtaan, Waxaan idiin kugu baaqayaa inaad ilaashataan Nabadda iyo kala danbeynta uu Alle idin siiyay iyo xasiloonida iyo maamul wanaagga aad muddo dheer soo dhisayseen.

Waxaan idiin ku baaqayaa inaad wada hadal iyo is-afgarad ku dhamaysaan wax walba oo tabasha ah ee jirta.
Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, Culimada, Dhallinyarada, Haweenka iyo dhammaan bulshada waxaan ugu baaqayaa in ay kala dhex galaan xalna u raadiyaan tabashooyinka jira si aysan u dhicin mar kale in shacabka uu dhib soo gaaro.

Ugu dambeyn walaalayaal mar walba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa garab iyo gashaan walaal idiin ah una diyaarsan ka qeyb qaadashada xalka dhibaato walba oo soo food saarta walaalaheenna ku dhaqan Somaliland” ayuu yiri R/wasaare Xamsa