Madaxweyne Qoor-qoor oo tababar u furay cutubyo ka mid noqonaya Boliiska Galmudug

Cadaado- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa maanta xero ku taalla degmada Cadaado tababar uga furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dardaaran u jeediyay cutubyadaan ciidanka ah ee tababarka uu u furmay, isagoo wasaaradda amniga Galmudug ku amaanay xulista iyo diyaarinta ciidamadan la carbinayo.

Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa faray saraakiisha tababarka siinaysa ciidankaan in ay u dhameystiraan adeegyada ay u baahanyihiin, si ay uga mid noqdaan ciidanka booliska Galmudug.