Ra’iisul wasaare ku -xigeenka oo xilalka u kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Caafimaadka iyo Wasiirkii hore

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyey, wasiirkii hore ee Caafimaadka, Marwo Foosiyo Abiikar Nuur iyo Wasiirka cusub  ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Cali Xaaji Aadan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiirkii hore, shaqooyinkii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed u soo qabatay. Isagoo Wasiirka cusub Alle uga baryey in uu u fududeeyo masuuliyadda culus.