Qaar kamid ah wasiiradda cusub oo xilalka la wareegay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Jamaac ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiiru dowlaha cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Jaamac Gaani iyo Wasiiru dowlihii hore Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir.

Sidoo kale, Wasiirka cusub ee Bii’ada iyo Isbeddelka Cimillada Marwo Khadiijo Maxamed Almakhsuumi ayaa xilka kala wareegtay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo waaxda Bii’adu ay hoos tagaysay.

Dhanka kale Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo  Fardowso Cusmaan Cigaal  ayaa  maanta xilka la wareegtay.