Guddoomiyaha gobolka mudug oo qaabbilay wafdi ka socda hay’adda UNHCR

Guddoomiyaha gobolka mudug mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa xarunta gobolka mudug ku qaabbilay wafdi ka socday hay’adda UNHCR oo ay hoggaaminaysay madaxa cusub ee HEAD SUB OFFICE, Monique Rudacogora, laguna sagootinayay madaxii hore Mohamed Shekinweri.

Guddoomiyaha Gobolka mudug mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari oo ay wehliyaan Agaasimayaasha maamulka gobolka mudug ayaa kulanka la qaatay wafdigaan ka socday Hay’adda UNHCR.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta mamaulka Gobolka mudug iyo Madaxa cusub ee taageeridda bulshada tabaalaysan ee gobolka mudug kuwaas oo saameyn ku yeelatay Abaarta Dalka ka jirta.

Guddoomiyaha gobolka mudug mudane, Axmed Xuseen Shire Bukhaari ayaa kaga mahad celiyay Madaxa Cusub ( HEAD SUB OFFICE) Monique Rudacogora iyo dhamaan shaqaalaha UNHCR isagoona kula dardaarmay inay Maamulka Gobolka mudug ka garab siiyaan gurmadka loo sameynayo dadka abaartu ku saamaysay ee gobolka ku nool.