Soomaaliya iyo Yugaandha oo kala saxiixday heshiis ganacsi

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, mudane, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa dhiggiisa dalka Yugaandha, Hon; Mwebesa Francis, magaalada Kampala kula saxiixday heshiis is-af-garad ah oo ku saabsan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Heshiiskan ayaa kor u qaadaya xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyadoo sidoo kale uu abuuraayo maalgashi iyo shaqo abuur labada dhinac ah.

Sidoo kale, wuxuu heshiiskani taaban doonaa dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, badda, xoolaha iyo warshadaha,iyadoo Soomaaliya ay noqon doonto marin ay dowladda Yugaandha u marto dhaq-dhaqaaqyadeed ganacsi ee waddamada Yemen, Itoobiya, Jabuuti, Hindiya iyo guud ahaan wadamada bariga dhexe iyo kuwa Aasiya.

Soomaaliya ayaa taasi beddelkeeda waxay ka faa’idaysan doontaa fursadaha ganacsi ee waddamada ku teedsan Gobolka harooyinka waaweyn (Great Lakes Region) iyo weli ba bariga iyo bartamadaha Afrika.

Soomaaliya iyo Yugaandha ayaa ka wada tirsan ururadda iskaashiga ganacsi ee gobolka sida IGAD, COMESA , African Continental Free Trad Agreement, waxaana heshiiskani uu mar kale kor u qaadi doonaa fududeynta ganacsiga labada dal iyo is-dhex-galka dhinacyada dhaqaalaha iyo maal-gashiga.