Shacabka Kenya oo saakay u dareeray goobaha cod bixinta

Nairobi- Saakay oo Talaada ah waxaa dalka Kenya looga dareeray goobaha cod bixinta si shacabku uu u doorto madaxweynaha hoggaamin doono shanta sana ee soo socota.

Loollan adag ayaa lagu wadaa inuu dhex maro labada musharrax ee Raila Omolo Odinga anha hoggaamiyaha xisbiga ODM iyo madaxweyne ku xigeenka uu xilka ka dhammaaday ahna guddoomiya UDA, William Ruto.

In ka badan 22 milyan oo Kenyan ah ayaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan. waxaa la adkeeyay ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan goobaha cod bixinta, waxaana halkaasi ku sugan korjoogto caalami ah si ay u qiimeeyaan xaaladda doorashada.

Kenya oo xornimadeeda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska 1963-kii waxaa soo martay afar Madaxweyne oo kala ahaa, Jomo Kenyatta, Daniel arap Moi, Mwai Kibaki iyo hoggaamiyaha uu haatan xilka ka dhamaaday ee Uhuro Kenyatta.