Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo u Hambalyeey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ,Saraakiil Xigeenada ,Alifleyda ,Dableyda iyo Dhammaan qoysaskooda Munaasabadda 12 April oo ku Beegan Aasaaska CXDS oo ay ka soo wareegtay 61 Sano.

“Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran  oo uu dalka leeyahay , waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca Dalkooda ,Dadkooda iyo Diintooda ,Waxayna ku Shaqeynayaan Qobobka 126 iyo 127 Ee Dastuurka Kumeel gaarka ah Ee Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji.

Wasaaaradda Gaashaandhigga XFS oo kaashaneysa  Taliska Xoogga Dalka ayaa  bilowday qorshe ballaaran oo Ciidanka ay ugu mid noqonayaan Dhalinyaradda Waxbaratay Taas oo horseed u noqotay in guulo wax ku ool ah ay gaareen Ciidanka kuwaas oo  qeyb ka noqdoona  Difaaca Dalka iyo hogaaminta ciidanka.