Haya’adda FOA oo baaq caalami ah kasoo saartay xaaladda Abaarta Geeska Afrika

Xafiiska Soomaliya ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha FAO ayaa ku dhawaaqay si degdeg ah ugu baahan tahay 131.4 Milyan oo Doollar, si loogu caawiyo dad gaaraya 882,000 qof oo ku nool Geeska Afrika.

“Heerka maaliyaddu waa mid hoose” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay, iyadoo intaas ku dartay in dadaallada ka hortagga macluusha ee ka jira 55 ka mid ah 90-ka degmo ee Soomaaliya ay 46% kaliya wax laga qabtay,FOA ayaa sheegtay in abaartu saamaysay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

“Ma sugi karno in macluusha lagu dhawaaqo; waa inaan hadda wax ka qabannaa si aan u ilaalino maciishada iyo nolosha,” ayey tiri FOA.

Sida laga soo xigtay Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, in ka badan 500 oo carruur ah ayaa ku dhintay Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo sababo la xiriira nafaqo-xumo la xiriirta abaarta.

In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayay abaartu saamaysay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay