Turkiga oo cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ku hayso marinka Qaza

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa ku boorisay “xakamaynta iyo caqli-galnimada” iyada oo ay sii kordhayso xiisadda gobolka ka dib weerarradii dhimashada badnaa ee lagu qaaday Qaza.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xiisadda sii kordheysa ee gobolka ka dib weerarrada, waxaan carrabka ku adkeynaynaa baahida loo qabo in la soo afjaro dhacdooyinkan ka hor inta aysan isu bedelin dagaal cusub,” ayaa lagu yiri warmurtiyeedka.

Mar sii horeysay, ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geedi-socodka Nabadda ee Bariga Dhexe ayaa sheegay “in uu aad uga walaacsan yahay xiisadda sii socota ee u dhexeysa mintidiinta Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, oo ay ku jirto dilka qorsheysan ee maanta lagu dilay hoggaamiyihii Jihaadka Islaamiga ah ee Falastiin gudaha Gaza.”

“Saacaddii lasoo dhaafay, ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeynta Israel, waxaan aad uga xumahay wararka sheegaya in ilmo shan sano jir ah lagu dilay duqeymahan, ma jirto wax cudurdaar ah oo loo heli karo weerar kasta oo ka dhan ah dadka rayidka ah.” Tor Wennesland ayaa intaas ku daray.

Wasaaradda caafimaadka ee fadhigeedu yahay Qaza ayaa sheegtay in duqeymaha cirka ee Israel ay sababeen dhimashada 10, oo ay ku jirto gabar 5 jir ah iyo dhaawaca 44 kale oo Falastiiniyiin ah.

Dhaqdhaqaaqa Jihaad Islaami ayaa sheegay in Taysir al-Jabari, oo ahaa taliyihii u qaabilsanaa gobolka Qaza lagu dilay duqeymaha dhanka cirka ah, dhinaca kale Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay beegsadeen al-Jabari iyo 10 kale.

Maamulka Falastiin ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay ku cadaadiyaan Israa’iil inay joojiso gardarada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, gaar ahaan Gaza, ayna siiso dadka deegaanka ilaalin caalami ah.