ciidamada DDS oo howlgal ku dilay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada

Guddiga ku-meel-gaarka ah ee Ciidamada Amaanka DDS ayaa shaaca ka qaaday in la dilay in ka badan 800 oo maleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo  24 ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaasha Al-Shabaab ka dib howlgal ay qaadeen Ciidamada ammaanku.

Taliyaha guud ee xoogga ciidanka gaarka ah ee DDS Jeneraal Maxamed Axmed, Major General Tesfaye Ayalew oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxda argagixisada Al-Shabaab ay isku dayeen inay gudaha u galaan dalka Itoobiya, islamarkaana gabi ahaanba falkoodi argagixiso lagu fashiliyey talaabadii ay ciidamada amniga oo shacabka kaashanaya ay ka qaadeen.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay hub badan oo ay aragixisadu wateen.

Dhankiisa Jeneraal Maxamed Axmed Maxamuud, Taliyaha guud ee xoogga ciidanka gaarka ah ee DDS, ayaa cadeeyey in ujeedad kooxaha argagixisadu tahay, isku day lagu doonayo in lagu carqaladeeyo hawlaha horumarineed ee dalka iyo deegaankaba.