Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Uganda

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Xasan Maxamed Gacaliye ayaa kulan maanta magaalada Kampala ee Caasimadda Uganda kula qaatay Wasiirka Gaashaandiga dalka Uganda mudane Vincent Bamulangaki Ssempijja.

Kulan oo goobjoog uu ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda Amb. Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa waxa labada wasiir ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada wasaaradood, ugu dambeyntiina qalinka ku duugay qodobadii (Minutes) laga wada hadlay

Sidoo kale wafdiga oo wasiirka Gaashaan dhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan Taliyaha xoogga Dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa kulan la qaateen Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Uganda iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga military ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Wafdigan ayaa ku jooga booqasho rasmi ah dalka Uganda ayaa la filayaa in hishiisyo is afgarad ah dhawaan ku kala saxiixdaan dalka Uganda.