Mas’uuliyiin ka tirsan XFS oo ka qeyb galay aaska marxuum Maxamed Warsame Darwiish

Siihaya Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir, Xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo Xukuumadda magacaaban, ayaa ka qaybgalay aaska Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta ee Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

Marxuumka oo horey u soo qabtay xilka Taliyaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka ayaa maanta lagu aasay magaalada Kismaayo ee xarunta KGM Dowlad Gobolleedka Jubbaland.

Allaha u naxariistee, Jeneraal Darwiish ayaa toddobaadkii hore ku geeriyooday dalka Jarmalka oo uu u joogay xaalad caafimaad.