MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WARIYE CALI MUUSE CABDI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Muuse Cabdi oo ka mid ahaa wariyeyaasha ruug caddaaga ah ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cali uu ahaa muwaadin wakhti badan galiyay soo bandhigidda xaaladda dalka iyo caqabadaha ku xeeran, muujinta fursadaha dadka Soomaaliyeed iyo ahmiyadda dib-u-heshiisiinta, kuwaas oo ah astaamaha laga rabo in uu ku sifoobo wariyaha waddaniga ah.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cali Muuse Cabdi oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ka soo qeyb-qaatay horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed iyo soo bandhigidda duruufaha iyo xaalada dalkeenna.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna ka siiyo samir iyo iimaan.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.