Dowladda Jamhuuriyadda Serbia oo gergaar bani’aadanimo u soo direysa Soomaaliya

Go’aan rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Jamhuuriyadda Serbia ayaa lagu sheegay in Dowladda Serbia ay go’aansatay in gurmad raashin oo deg deg u dirto Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay abaartu halakeysay. Arrinta tani waxa ay ka dambeysay kadib markii Danjiraha JFS ee Belgrade Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed uu Dowladda Serbia gaarsiiyay codsi rasmi ah taas oo la xiriirta in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqay xaalad deg deg, isla markaana codsi u dirtay dhammaan Dowladaha aan saaxiibka nahay in ay Soomaaliya la soo gaaraan Gergaar bani’aadanimo.

Danjire Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Safaaradda JFS ee Belgrade ay si waafaqsan Baaqii Dowladda Soomaaliya ee Gurmadka Abaarta, dadaal badan sameysay sidii Dowladda aan saaxiibka nahay ee Serbia ay gurmad ugubsameyn laheyd Soomaaliya.