Guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaran oo kormeer sameeyay

Gudoomiyha Maxkamadda sare ee dalka, Xeer-ilalaiyaha guud ee Qaranka iyo gudoomiyaha maxkamadda gobalka Banaadir ayaa manata si wada jir ah u kormeeray howlaha kala duwan ee ka socda Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda Rafcaanka iyo maxkamadda bobalka Banaadir.

kormeerka ayaa ujeedkiisu wuxuu ahaa Ilaalinta saacadaha shaqada, hufnaanta shaqada iyo guud ahaan dardar gelinta howlaha shaqo ee Garsoorka dalka.

Madaxda kala duwan ee kormeerka sameeyay ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah howl wadeenada Garsoorka, iyagoo kula dar-daarmeen hawl-wadeennada in bulshada Soomaaliyeed loogu adeego habka ugu Hufan uguna ixtiraamka badan.