Ciidanka xoogga dalka oo cagta mariyay fariisimo ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanno ka tirsan Jubbada hoose

Kismaayo- Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo  nabad sugidda maamulka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal wada jir ah ka fuliyay tuulada Kaamjarroon iyo deegannada hoostaga ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka ayaa ku guuleystey sii deynta maxaabiis ku xirnayd xabsiga tuulada kaamjarroon oo Argagixisadu dulmiga ku haysatay, kadib markii ay canaasiirtii nabad-diidka ee halkaas ku sugneyd iskaga carareen.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay Ciidamadu ku burburiyeen dhamaan saldbhigyadii ay Argagixisadu ka joogeen deegaannada Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul oo dhammaantood ka tirsan Tuulada Kaabjirroon, halkaas oo ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.