Guddoomiyihii degmada Marka oo Qarax lagu dilay

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ruux naftiisa halige ah ayaa goordhow isku qarxiyey masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose iyo dad shacab ah, xilli ay ku sugnaayeen afaafka hore ee xarunta degmada.

Guddoomiyihii degmada Marka Cabddullaahi Cali Axmed Wafoow iyo ugu yaraan afar qof oo kale ayaa naloo xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen qaraxaas, waxaana jira dhaawacyo kale.