DALKAADA ADIGAA ISKA LEH

Qof kasta oo dunida ku nool wuxuu ku abtirsadaa qaran, dal iyo calan gaar ah oo ummadda uu ka soo jeedo ay leeyihiin waana astaan qofnimo oo haddii aad weyso aad ku sifoobeyso dal laawe aan wax micno ah dunida kale ugu fadhin.

Dalkaaga waa mid kaag baahan in aad ka taxadarto ammaankiisa , horumarkiisa iyo nabadiisa waana kan haddii aad intaas ku hesho aad kaga gacan sarreyn karto cadowga oo aad ku gaari karto xushmad iyo wanaag.

Haddii dalkaagu yahay mid horumarsan cid walba way soo hiigsaneysaa oo waxaa dhacda in loo soo doonto nolol iyo kasab laga helo sida aan maanta ugu tacabirno dalalka Yurub iyo woqooyiga Ameerika.

Dalkaaga waa midka u baahan in aad ka dugsato dadkaaga oo aad ka wehesahto wax kasta oo dhibaya ka ilaaliso.

Looma baahna in aad cadowgaaga kula shirkowdo oo aad danaha cadowga isku daydo in aad ka dhex fuliso gudaha dalkaaga.

Dalkaaga waa in aad naftaada u huri kartaa marka ay qasab noqoto waana in af iyo adinba aad dalkaaga y hiilisaa oo aad u hub qaadaa  difaaciisa.

Dalkaaga waa in uu wax walba kaaga horreeyaa oo aad ka hormarisaa dan kasta oo aad  lahaan karto waana in aad u soo jeedaa . in aad qaxooti noqoto waxay ka dhasheen burburkii siyaasadeed ee dalkaaga haddii dalkaagu noqon lahaa dal heysta degenaansho , nabad iyo nabad ma jiri laheyn sabab aad u dawaafto oo aad u meermeerto caalamka adigoo qaxooti ah.

Ku dadaal dalkaaga kana shaqeee horumarkiisa taasi waxay dan u tahay qof walba iyo ummadda kugu abtirsata oo dhan.

Dal la’aan waa dhibaato mana aha in siyaasad darted aad u burburiso mustaqbalka dalkaaga oo aad u horseeddo in aad faraha u galiso oo aad rumeyso damaca shisheeyaha.

W/Q: Mohamed Hassan