SOOMAALIDA SAFARRADA FURSAD DHOOFKA U TAGAYA KENYA, MAXAY TAHAY IN AY KU DHAQMAAN HADDII AY HELI WAAYAAN DHOOFKA

Safarka dadka Soomaalida ah ay u safraan dalka Kenya inta badan wuxuu khuseeyaa labo dhinac oo kala ah ganacsi ama safar ku saabsan in laga raadiyo waxa loo yaqaano line-ka oo ah in laga helo fursado loogu sii tahriibi karo dalalka Yurub iyo Mareykanka.

Dadka ujeeedooyinka noocaas ah u taga dalka Kenya ayaa u badan dhallinyarada wiilal iyo gabdho kuwaas oo xitaa sheekeysigaaoda caadiga ah marka ay halkaas tagaan uu ku saleysan yahay farsadahaa , sidii lagu heli lahaa, meelaha loo maro iyo sugitaankooda.

Cismaan Yuusuf waa nin dhallinyaro oo magaalada Nairobi ka degan xaafadda Islii oo soomaalidu ku badan tahay, wuxuuna halkaa ku sugnaa in muddo ah .

“ Muddo dheer ayaan halkan joogay anigoo ka rajo qabo in aan ka helo fursad dhoof laakiin waqtiga ayaa igu daba dheeraaday oo haatan waxaan u muuqdaa qof daalay oo rajo beel ah “ ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu ka warramay waxyaabihii shaqo ahaan uu isku dayey in uu qabto in uu noloshiisa ku maareeyo isagoo sheegay in aaney jirin dad uu ku tiirsan yahay oo ku sugan Kenya balse uu xoogaa tuur tuur ah uu ka helo qoyskiisa oo ku sugan Somaaliya iyo dalka ka tirsan Yurub ee uu hammiga uga jiro in uu tago.

“ Shaqooyin kala duwan ayaan soo maray si aan nolosheyda u dabaro waxaan mar noqday dukaan iibiye, marna maqaayad ayaan ka shaqeynayey hadda macalin carruur soomaaliyeed afka Ingiriiska u dhiga ayaan ahay ..sidaas baan weli isu dabarayaa” ayuu yiri .

Faadumo Maxamed Cilmi  waa gabar dhallinyaro ah oo muddo ku sugneyd dalka Kenya iyada oo sugeysa fursad ay ugu tallaabi kartto dalalka Yurub hase waxay ku daashay oo qaati ka gaaraty sugitaankaasi ku dheeraaday waxayna sheegtay in ay heshay labo fursad oo kale oo ah in ay  wax ku baratay Kenya oo ay jaamacad ka qalinjebisay, welina sugitaankii ayey ku jirtaa laakiin waxay sheegtay haddii ay wax ka garan weyso oo natiijadu ku adkaato ay halkan isaga guursan doonto.

Warsame MAXAMED Geeddi waa nin dhallinyaro ah wuxuu ku nool yahay Islii , wuxuu sheegay in halkan shaqo abuur ka sameystay marki uu sugidda leynka ku daalay isagoo ka bilaabay in uu iibiyo wxyaabo yaryar oo gaari gacan u dulsaarnaan jiray sida catarka, kabaha , garbasaarada iwm hase yeeshee haatan uu gaaray in uu dukaan furto.

“ Waxaa yaraaday rajadii dhoofka ee aan u imid Kenya hase yeeshee howl kale ayaan iska galay waxaana abaabushay ganacsi haatan u muuqda in aan ka mio dhaliyey waayo waxaan gaaray in aan furto dukaan aan leeyahay oo aan nolosheyda ka soo saarto reerkeyga Soomaaliya joogana aan wax uga diro” ayuu yiri Warsame.

C/wahaab Gacal  oo ah aqonyahan soomaaliyed oo ku nool xaafadda Isli ee magaalada Nairobi wuxuu qqabaa in qofku meeshii ka niyad jabi lahaa haddii uu waayo wixii uu dalka Kenya u joogay mudada dheer ee ahaa in uu ka baxo ay tahay in aanu niyad jabin , dhaqankiisa bedelin kuna biirin kuwa xunxun balse ay tahay in uu la yimaado fikrad kale oo waxtareysa noloshiisana wax ka bedeli karta.

W/Q: Mohamed Shiil