Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulkadir Maxamed Nuur oo ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhigiisa dalkaas Masar, Jeneraal Maxamed Axmed Zaki, waxayna ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga laba wasaaradood.

Wasiirka Gaashaandhigga JFS Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa dhigiisa Masar uga mahadceliyay tageerada iyo walaalnimada soo jireenka ah ee ka dhaxeysa labada dowladood.