Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa

Guddoomiyaha golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa uu la kulmay guddiga madax-banaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Guddiga ayaa guddoomiyaha la wadaagay warbxin ku aaddan shaqooyinkii ay soo qabteen waxa ayna baarlamaanka ka codsadeen in lagala shaqeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa, sidoo kale waxay sheegeen in Golaha Aqalka sare loo gudbiyo si loo meelmariyo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyay shaqada guddigan islamarkaana sheegay in lagu gacan siin doono  sidii shaqadooda ay u qabsan la haayeen.