Russia iyo Ukraine oo saxiixay heshiis la xiriira dhoofinta miraha beeraha

Saraakiil ka socda dalalka  Ruushka iyo Ukraine ayaa kala saxiixday heshiis lagu ogolaanayo in dekedaha badda madow ee Ukraine laga dhoofiyo miraha beeraha ee dalagga qamadiga.

Heshiiskaan oo ay taageereen Qaramada Midooobay,waxaa ka hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ,kuwaas oo sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono yareynta dhibaatada cunnada ee adduunka.

Wasiirka difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu iyo wasiirka kaabayaasha dhaqaalaha ee Ukraine, Oleksandr Kubrakov, ayaa si gooni gooni ah u saxeexay heshiiska, iyaga oo si taxadar leh uga fogaanaya in ay hal miis wada fadhiistaan ​​kana fogaadaan in la gacan qaado.

Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday qasriga caanka ah ee Istanbul (Dolmabahce Palace) iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Erdogan iyo Guterres.

Heshiiska ayaa la macno ah ku dhawaad ​​$10-bn oo Haruur ah in la iibin doono iyada oo ku dhawaad ​​20 milyan oo tan oo dalagga soo go’ay sannadkii hore hadda la dhoofin karo, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa yidhi.

Dhinacyada dagaalamaya iyo waddamada deriska ah ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee dunida u dhoofiya cuntada, gaar ahaan miraha qamadiga.