Wasiirka Caddaaladda XFS oo la soo wareegay 14 maxbuus oo ku jiray xabsiga Garowe April 11, 2021

Wasiirka Cadaaladda XFS Mudane C/qaadir Maxamed Nuur  ayaa sheegay in maamulka Cadaaladda ee Puntland ay ku wareejiyeen 14-maxbuus oo lagu soo xukumay dalka dibadisa,isla markaana ku jiray xabsiga Magaalada Garowe ee maamulka Puntland .

Wasiirka oo u waramayey Warbaahinta Qaranka ayaa xusay  in maamulka Cadaaladda ee  dowladgoboleedkaasi ay isku afgarteen sidii xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho loogu soo wareejin lahaa maxaabiistaasi.

.Wasiirka Caddaaladda XFS ayaa sheegay in tallaabadaasi ay u qaadeen codsi ka yimid ehelada maxaabiistaasi oo ku sugan Gobolka Banaadi  iyo deegaanada kale ee ku dhow.

Mudane C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xaaladda maxaabiistaasi ay tahay mid wanaagsan,wuxuuna intaa raaciyay in ay heli doonaan xoriyaddooda iyadoo la marayo shuruucda dalka.