Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab

Nairobi- Ciidanka la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay xubin ka tirsan nabad-diidka oo ku dhuumaaleysanayay degaanka Milimani ee gobolka Lamu.

Ninkan oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu soo qabtay qori RPG ama Baasuuke ah, rasaastiisa iyo agab kale xilli uu kasoo kabanayay dhaawac kasoo gaaray lugta bidix.

War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in eedeysanahaasi uu ka mid ahaa Koox dabley ah oo dhowaan weerar ku qaadday saldhig ay Ciidamada Booliska ku leeyihiin Gobolkaasi, halkaas oo uu dhaawac kasoo gaaray.

“Mid ka mid ah guulihii ugu dambeeyay ee aan ka gaarnay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa lagu soo qabtay malleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxayna ka soo heleen keyd hub ah gudaha degaanka Milimani, ee gobolka Lamu,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Booliska.

Saraakiisha Ciidanka la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya ee GSU ayaa sheegay inay ku raadjoogaan koox la rumeysan yahay inay la socdeen eedeysanaha la qabtay, iyagoo howlgallo lagu baadi goobayo xubnahaasi ka wada keymaha Boni ee ku dhow xudduudda kala qaybisa Soomaaliya iyo Kenya.