Duqa Muqdisho oo kormeeray goobo ay ka socdaan howlo dayactir ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah Waddooyinka Caasimadda oo ay ka socdaan howla dib loogu abuuraya gooba Biya-mareeno ah oo loogu talagalay in ay si toos ah ugu shubaan Badda.

Waddooyinka uu guddoomiyaha kormeeray waxaa ka mid ah Waddada Buundooyinka, Wadada hormarta Xarunta taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidan boliiska Soomaaliyeed , Warta KM-4  iyo waddada Buula Xuubeey oo ay dhammaantood ka socdaan howlo dayactir ah iyo howlo qaarkood biyaha looga qaadayo.

Tallaabadan ayaa ayaa looga goleeyahay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ay biyaha roobka u geystaan isku socodka caadimadda iyo Bilicda.