Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlada goboleedka Jubaland  Ahmed Mohamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster oo booqasho ku timid Jubaland.

Kulanka looga hadlay taageerada  Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, nabadgalyada iyo sidii Dowlada Ingiriiska ay u bilaabi lahayd mashariic horumarineed iyo taageero dhinacayada kala duwan ah oo ay ka fulin doonto Jubaland.