SAAMEYNTA UU LEEYAHAY BARAHA BULSHADA

Baraha bulshada waa kanaalo dhijitaal ah oo is-dhexgal ah oo fududeeya abuurista iyo wadaagga macluumaadka, fikradaha, danaha, iyo qaababka kale ee muujinta iyada oo loo mariyo bulshooyinka iyo shabakadaha casriga ah in la isticmaalo social media waxaa kuu sahlaayo inaad hesho internet adigoo haysan internet ma isticmaali kartid aaladdaan digital-ka ah.

Dadka ayaa waxaa soomaray xili uu yaraa in lawada helo internet isbaddalka iyo horumarka uu wadanka sameeyay ayaa la helay internet goob kasto ah.

haddaba bulshada soomaaliyeed ayuu aad u saameeyay isticmaalkan casriga ee social media iyadoo dhalin ,waayel, caruur aan loo kala harin.

Haddaba, Baraha bulshada ayaa leh faa’iido iyo faa’iida darro hadaba su’aal weydiinta mudan ayaa ah ma faa’iidadiisa ayaa badan mise faa’iido daradiisa bulshada ayaa u isticmaasha qaabab kala duwan markii la fiiriyo dhinaca faa’iidada ayaa aad u badan sababtoo ah dad ayaa nolashooda quudkiisa kuraadsada  dadka qaar ayaa u isticmaala in ay ku ganacsadaan wax ku bartaan Warbaahinta Social Mediyaha, waxaa sida caadiga ah loo isticmaalaa isdhexgalka bulshada iyo helitaanka wararka iyo macluumaadka, waa isgaarsiin qiimo leh oo lala yeesho dadka gudaha iyo caalamkaba, iyo sidoo kale in la wadaago, la abuuro, lana faafiyo macluumaadka.

Haddaba, kama maqna dhibaatadiisa oo ah in lagu faafiyo warbixino marin habaabin ah taas oo mararka qaar keni karta qilaaf daagal sidoo kale waxay aad u saameysaa ardayda waxbarata,  ardayda ayey ku sababtaa in ay waqtiga ka dhumiso halka ay badalka wax ka baran lahayeen waxeyna ku keentaa in ardayda ay lumiyaan xiisadaha waxbarshada u hayeen.

Wuxuu leeyahay sidoo kale isticmaalka social mediyaha  cafimaad darro qofka oo hurdo la’aan ku dhacdo sidoo kale in uu balwad u noqdo uuna qofka dhaafi Karin isticmaalkiisa 24 saac gudahooda.

Haddaba, Adduunka sida laga warqabo waxaa ugu muhimsan waqtiga, waxa uuna dilaa waqtiga qofka sidoo kale waxa uu qofka u abuuraa nolol khiyaali ah.

sidaa ognahay balwadda ma’aha wax si fudud lagu dhaafi karo, dhanka kale in ay caruurtu isticmaalaan waxa uu u keni karaa in maskaxdooda wax yeeleyso, sidoo kalena indhahooda dhibaato ugeysato tusaale inay ka qaloocdaan indhaha, aragtida oo yaraato iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Waxaa jiro aalado aad usaameeyn badan sida FACE BOOK-ga  iyo TIKTOK-ga oo ah kuwa Soomaalida aad u isticmaalaan.

Soomaalida waxay ka mid yihiin dadyowga aad loogu isticmaal badan yahay ay tahay aaladda face book-ga waliba iyadoo ah dal faqri ah ahaanshaha ilaa xadkaas ay isticmaalaan in dhallinta aadka u badan isticmaalaan baraha bulshada afka khalaadna lagu dhaho Social Media ayaa ah shaqo la’aanta wadanka ka jirto jaaniskaas oo badan ay keentay in isticmalkaas aad u bato.

Haddii shaqsi uu haysto shaqo waxaa yaraanaya in waqti uu u helo waxyaabaha aan munaasabka ahayn oo kale hadda Soomaaliya waxaa ku badan kanaalis aad u badan oo aan lahayn sharci qabto laguna faafiyo marin habaabin aad u xun dadkana ka dhigtay kuwo aan xog sax ah marwalba helin kanaaliskaas ayaa ah kuwa loogu adeego dano gaar ah ee shaqsiyadeed iyo is reereysi.

Aaladda tiktok oo ka mida ah aaladaha la isticmaalo midda ugu badan ayaa noqotay mid lagu fasahaado dhaqanka iyo sharta soomaaliyeedna lumisay dadkana ka dhigtay in markii iyada la isticmaalaayo aanan laga xishoon waxyabaha mudan in laga xishodo dowlado badan oo ay ka mid yihiin India iyo USA ayaa ka joojiyay wadankooda aaladda tiktok-ga waxaa aaladda waqti dhow soo baxday haddana aad u faaftay gaartay meel aysan gaarin kuwa kale tiro dad ahna ay isticmaalaan.

WQ: IKRAAN SHIRE CILMI