SIDEE AYEY SOOMALIDU KU JOOGAAN BARAHA BULSHADA

Baraha bulshada waa goob ay kulmisay Soomalida isticmaasha baraha oo Ku Kala nool dalka iyo dibada.

Baraha bulshada bulshada Soomaliyeed ayaa sanadba sanadka kale isticmaal kooda  Ku soo badanaayey baraha bulshada kuwaas ay Ku wadaagaan xogo badan.

Dadka Soomaliyeed qaar ayaa baraha bulshada u adeegsada in ay Ku gudbiyaan arimo Wanaagsan oo bulshada muhiim u ah sidoo kalena waxa ay u isticmaalaaan in ay iskala xiriiraan.

Baraha bulshada umadda Soomaliyeed waxa uu u sahlay in ay iskula xiriiraan sida ugu ufudud haddii ay ahaan laheed Vedio call ama is aragga dhanka muqaalka ah Kaas oo fududeeyey dadkii Kala maqnaa sodonsano in ay sifudud ay isku arkaan ayna u wadada xiriiri karaan .

Sidoo kale baraha bulshada umadda Soomaliyeed waxa uu u sahlay in ay waxa Ka baran karaan ayaga oo dalka jooga una sahleysa xiisadahooda ay sifudu ay Ku qaadan karaan sidoo kalena ay Ka Heli karaan internetka cashiro badan oo Kala duwan oo maadi iyo diini naftoodana anfaceysa.

Dhankale  marka laga eego baraha bulshada ay isticmaasho Soomalida waxa ay u isticmaalaaan waxyaabo aanan hobooneen in bulshada la lawadaago qaar ayaa badan ayaa siyaabo qaldan u isticmaasho internet ayaga oo leh aad caan noqotaan.

HADABA QAAB NOO CEE AH AYEY KU KALA JOOGAAN SOMALIDA BARAHA BULSHADA AY ISTICAALAAN.

Facebook: waxaa Ku kulama bulsho badan oo Soomali ah Ku waas oo xogo badan isku dhaafsada haddii ay ahaan laheed warbixino xaqiiq ah , kuwa aan xaqiiq aheen , vedeo aanan habooneen sidaas oo ay tahay Facebook waxaa Ku badan dadka caamada ah oo isticmaala una maleeya waxa lagu qora in ay tahay wax sax ah oo saameen Ku yeelan karta nolasha aadanaha.

Twitter: intadan Twitter waxaa ku badan dad aqoon yahano ah oo iskugu jira dad siyaasiyiin, dad waryayaal iyo dad badan oo aqoonta u saaxiib ah kuwaas oo isku dhaafsada aaraahyo bulshada Soomaliyeed macno u saameen karta waxna kabadali karta.

YouTube: dadka adeegsada YouTubeka waxa ay u badan yihiin dad maalaayacni Ku faafiyo bulshada waxna aan Ku soo kordhinin kaliya fiirsada views ay kahelaan iyo lacagta oga soo xarooneysa.

Kuwa kale ayaa jira oo YouTube Ku faafiya waxyaabo bulshada u Wanaagsan oo mustaqbalkooda wax u taraaya balse bulshado intabadan waa dad aanan u diyaarsaneen in ay daawadaan waxyaabaha Wanaagsan balse badalkeeda aada waxyaabaha aanan u Wanaagsaneen.

Tiktok: Goobtaan waxaa iskugu imaada boqolkiiba sagaashan dad dhalin yaro u isticmaala waxyaabo aan Alle raali Ka aheen sida Heesaha, Gabdho aanan asturneen oo Ku dhex ciyaara tiktokga iyo waxyaaba badan oo Alle care galiya ayaa lagu isticmaalaa.

Ugu danbeyn sheekadan waxaan u soo qaatay in aan iftiiniyo waxyaabaha baraha bulshada Ka socda qeybahooda Kala duwan oo aan lawadaago bulshada Soomaliyeed si ay u ogaadaan waxa Ka socda internetka.

Dhamaan inta wax garadka ah aqoonta u saaxiibka ah iyo kuwa caqliga u saaxiibka waxaan Kula talinayaa in bulshada Soomaliyeed latuso wanaaga lagana reebo xumaanta si loo helo bulsho hagaagsan loona helo dal hagaagsan .

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan.