Wasiirka Wasaarada Caafimaadka XFS oo kulan la qaadatay Wafdi ka socday Hay’adda Qatar Charity

Wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Qatar Charity ayaa soo booqday Isbitaalka Demartino si ay ugu kuur galaan adeegyada uu isbitaalka bixiyo gaar ahaan qeebta caruurta la il daran nafaqo darrida ba’an; Wafdiga ayaa boqoday qeybaha bukaan jiifka oo ay warbixin ka dhagaysteen howlwadeenada qeybtaas ee isbitaalka Demartino.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Demartino ayaa uga warbixiyay wafdiga xaaladaha uu isbitaalka ku shaqeeyo iyo duruufaha bukaanada jiifa isbitaalka ee ka kala yidim magaalada muqdisho iyo qaybo ka mid ah gobollada dalka.

Wafdiga ayaa ugu danbeen la kulmay wasiir Dr. Fawziya Abiikar oo uga mahadcelisay booqashadooda sidoo kalena waxay warbixin guud ka siisay xaalada caafimaad ee dalka iyo saameynta abaaraha ay ku yeesheen caafimaadka caruurta Soomaliyeed .

Sidokale Masuuliyinta Hay’adda ayaa waxa booqdeyn isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir waxa ayna halkaa kulla kulmeeym maamulka iyo howlwadeenada isbitaalka oo ay ka xog-wareysteen xaalada isbitaalka iyo qaabka uu u shaqeeyo

Wafdigii kasocday Hay’adda Qatar Charity ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee isbitaalka uu u hayo bulshada Soomaaliyeed waxay badlan qaadeen in ay Isbitaalka la shaqeyn doonaan