Safaaradda Soomaliya ee Kuwait oo qabatay munaasabad loogu dabaal degayey Toddobaadka Xoriyadda

munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey xuska maalmaha xoriyadda,Midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur ayaa xalay lagu qabtay dalka Kuwait,xafladan oo ay iska kaashadeen Safaaradda JFS & Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kuwait, munaasabadan ayaa sidoo kale waxa ka soo qayb galay Safiiradda dalalka Djibouti, Kenya, Ethiopia, Sudan , South Sudan, Eriteria, Mali, Chad iyo Togo.

munaasabadda Xafladda ayaa waxa lagu soo bandhigay heeso waddani ah,ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo Riwaayado goos goos ah.

ugu dambayn safiirka Soomaliya Danjire Dr. Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa ka hadlay sooyaalkii hanaanka dawlad dhiska Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay caqabadihii mudadii 62 sanno ahayd soo marey dalka & dadka iyo fursadaha musqalbalka lagu hor marin karo dawladnimadda iyo wadajirka dadka.