Qaar ka mid ah Danjirayaasha Soomaaliya,madaxda gobolka Ontario iyo dadweyne kale ayaa ka qeybgalay xaflad lagu maamuusaayey maalinta xorriyada Soomaaliya oo ka dhaday beerta boqoradda queens Park ee Xarunra baarlamaanka gobolkaasi.
Xafladdaan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka mideynta iyo Somali imigranta,waxaa ka qeybgalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Baalle, Wasiirka socdaalka iyo isdhexgalka bulshadaOntariypo Maykal Ford, Afhayeenka baarlamaanka gobolka Ontaruyo Ted Orned iyo madax kale.
Xafladdaan waxaa sanad kasta lagu qabtaa beerta boqoradda queens Park ee Xarunra baarlamaanka gobolkaasi,marka laga reebo labadii sano ee u dambeysay oo la tilmaamay in ay xuskaasi xayireen cudurka Covid 19.