Agaaimaha Guud ee Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Ali Ga’al Gabow ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatey Gudiga Iskaashatada Bajaajleyda ee Gobolka Banaadir Kulankan ayaa looga hadlay wada shaqeynta Gudiyada Bajaajleyda iyo sidii loo yareyn lahaa Saxmada badan.
Xog waraysi iyo falanqayn dheer kadib Agaasime Ga’al ayaa dhankiisa balan qaaday in ay Kala shaqeyn doonaan Gudiyada Bajaajleyda sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen isla Markaana ay gacan ka geysan doonaan sidii loo heli lahaa Xeerar iyo Habraacyo lagu maamulo Bajaajleyda iyadoo lala kaashanayo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Qeybta Nabad-galiyada Waddooyinka.