Dowladda Soomaaliya oo deeq gaarsiisay degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo

Muqdisho(Wargeyska):-Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS ayaa deeqo raashin gargaar ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay abaaraha saameeyeen gaarsiisay degamda Ceel-waaq ee ka tirsan Gobolka Gedo.

Wasaaradda ayaa maanta deeqadan gaarsiisay degmada Ceelwaaq, halkaa oo ay ka jirto xaalad bini’aadannimo oo ay sababtay abaarta ka jirta guud ahaan dalka, iyadoo Ceel-waaq ay ka mid tahay deegaannada sida ba’an ay u saameysay abaartu.

Deeqdaan gargaarka ah ayaa si toos ah loo geynayaa deegaanada ay ku nool yihiin dadka saameynta xooggan ay ku yeelatay abaarta ka jirta dalka, iyadoona horay deeqo kuwaan lamid ah la gaarsiiyay degmooyinka Xudur, Garawo, Ceel-waaq oo ay ku suganyihin qoysas badan oo ay abaartu sameeysay.

Madaxweynaha iyo Rayā€¯iisul wasaaraha ayaa horay ugu amray Guddiga Maalmaha xoriyadda in ay isku wadaan u gurmashada dadka ay abaartu sameeysay iyo diyaarinta Todobaadka xoriyadda.