Xildhibaannada labada Aqal oo markale Maanta kulan wadajir ah yeelanaya

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya ayaa Maanta markale yeelanaya kulan wadajir ah, kaas oo ku saabsan sii wadidda Akhrinta 2aad ee Miisaaniyadda Qaranka 2022.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa kulankooda shalay waxaa hortegay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo xildhibaanadu su’aalo ay ka weydiiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022

Su’aalaha Xildhibaannada waxaa ka jawaabayay wasiirka Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo howlwadeeno kale oo la socday, waxaana dooda oo dheeraatay awgeed lagu ballamay in lasii anbaqaado maanta oo arbaco ah si ay u sii socoto ka doodidda Agendaha Miisaaniyadda 2022.