Wasiirka Qorshaynta oo uu wehliyo Agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta ayaa kulan la qaatay Wakiilka Heya’adda UNICEF u qaabilsan Soomaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare ayaa kullan la qaatay Wakiilka UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Wafaa ElFadil Saeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taagerida joogtada ah ay ee Hay’adda la garab taagantahay Soomaaliya iyo derdergalinta falcelinta xaaladaha Bani’aadanimada ee ku aaddan Abaaraha hada ka jira dalka.