Dowladda oo deeq gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wasiirka Wasaardda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo ay wehliyaan labada Agaasime Guud ee Wasaaradahaas ayaa maanta gargaar isugu jira adeegyada kala duwan ee nolosha aas-aasiga ah gaarsiiyay Magaaladda Xudur ee Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Magaaladaan oo ah goob ay go’doomiyeen kooxda nabdiidka Al-Shabaab ayaa xaalada beni’aadanimo oo daran ka jirta, waxaana magaalada ku soo gaaraya dad ka yimid baadiyaha ku hareereysan Xudur, kuwaas oo ay abaar ku dhuftay xoolahoodii ka dhamaadeen dantuna baday inay isaga soo hayaamaan halkii ay ku noolaan jireen si ay u raadsadaan baad iyo Biyo ay dhuunta mariyaan.