Guddoomiyaha golaha shacabka oo Ubax dhigay Taalada Dhagaxtuur.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka qeyb galay munaabadda Ubax dhiga xuska 26-ka Juun oo ka dhacday Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waabari.

Ubax dhigaan ayaa qeyb ka ahaa maamuska Qaran ee maalmaha Xuriyada gaar ahaan 26-ka Juun oo ku asteesan xilligii ay Gobolada Waqooyi ka xaroobeen Gumeestihii Ingiriiska islamarkaana ah markii ugu horeysay oo dhul Soomaaliyeed laga taago Calanka JS.

Sidoo kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa ka qeyb galay munaabadda Ubax dhiga ee Taalada Dhagaxtuur ee degmada Waabari.