Boqorka Jordan oo taageeray in bariga dhexe laga abuuro isbaheysiga NATO

Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha Labaad, ayaa sheegay in dalkiisa uu ka mid noqon doono dalalka ugu horreeya ee taageeraya in bariga dhexe laga abuuro NATO, isaga oo intaa ku daray in ay suurtagal tahay si la mid ah Jordan in dalaka kale oo bariga dhexe ah ay soo dhaweeynayaan in bariga dhexe laga abuuro isbaheysiga NATO.

Wareysi ay shabakadda Mareykanka CNBC, la yeelatay Boqorka Jordan ayuu ku sheegay in baahi loo qabo howlgalka isbaheysiga in uu noqdo mid cad, si loo adkeeyo qeybo kamid ah xiriirka adduunka, loogana fogaado jahwareer Militir.

Waxa uu intaa ku daray in Jordan ay leedahay awood ciidan oo adag, isla markaana ay sanado badan xariir iyo gacan saar la lahayeen Ururka NATO.