Wasiirka Wasaaradda gar-gaarka Hirshabelle oo kormeeray Xeryaha Barakacayaasha Gobolka Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda gar-gaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowlad gobaleedka Hirshabelle, Cabdi Mahad Qoorgaab oo ay wehliyaan Xildhibaano iyo Saraakiisha Hay’adaha ka howlgala Gobalka Hiiraan ayaa kormeeray qaar kamid ah Xeryaha ay ku noolyahiin qoysaska Barakacayaasha, kuwaasi oo ay sameyn ku yeelatay Abaaraha ka jira Gobolka Hiiraan.

Qoysas kasoo barakacay degaanno kala duwan oo kamid ah Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg-deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duwan.