Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab.

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa ugu danbeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 4 kamid Amniyaadka Argagaxisada Alshabaab kuwaas oo ahaa Shabakaddi dilalka madax jabinta iyo qaraxyada ka geysan jirey magaalada Boosaaso.

MAGACYADOODA
Jaamac aadan tusbaxle
Ayuub Cumar shire
Abdulahi salaad boos
Maxamuud abshir muuse olyo

waxaa iska kaashaday sooqabashada dambiilayaashaan Ciidanka Booliska, Gobalka Bari iyo Ciidanka PISF ee uu xukumo general aamiin Xaaji khayr.