Natiijada Doorashada Baarlamaaniga Faransiiska oo lagu dhawaaqay

Doorashadii Baarlamanka ee Axadii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa lagu dhowaaqay Natiijada, waxaana looga adkaaday Madaxweyne Emanual Macron iyo Xisbigiisa.

Xisbiga Madaxweyne Macron ayaa helay 245 xubnood oo kamid ah tirada guud ee kuraasta Baarlamaanka oo ka kooban 577 kursi.

Xisbiga NUPLES ee bidixda fog ayaa helay 133 kursi, halka Xisbiga kale ee Midigta fog isna uu helay 89 kamid ah kuraasta Baarlamaanka Faransiiska.

Madaxweyne Macron oo bishii April dib guuldaran Doorashada Baarlamaanka waxaa ay ku keeneysa in uusan awood u yeelan meel marinta Shuruucda ay soo diyaariso Xukumaddiisa.